Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee goboka Awdal oo Noqdey Astaan Guuldarada Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal!!!

Filed under: Featured Slider,Maqaalo,Warar Af-Somaliga |

Tan iyo Markii la soo magacaaabey xubnaha gudiga fulinta xisbxul xaakimka kulmiye ee heer gobol ayaa waxa soo ifbaxaya xogo la xidhiidha wada shaqeyn la aanta Xubnaha Gudiga Fulinta Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal ,taageeryaasha iyo  gudiga fulinta ee heer qaran xisbiga Kulmiye ..

Arrintan ayaa waxey u tahey ifafaale hordhaca oo muujinaya xisbiga Kulmiye ee heer qaran in uu durba walaac ka muujineyo magacaabita gudiga fulinta xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal iyo suurtagalnimada ku xeeran mudadaasi kooban ee ka hadhan ololaha doorashada madaxtooyada Soomaliland ,Sidii xisbigu u magaacbilahaa Cid kale oo u muuqata mid xisbiga ku keeneysa siyaasad xumo u hoorseeda in uu markale uu ku guuldareysto gobolada galbeedka Soomaliland arrintaasi oo xisbiga kulmiye ku noqotey laba daran midkood kala dooro.

Hase ahaatee warar madaxbanaan ee aan ka heleyno bulshada ayaa waxey  bulshada xayndaabka xisbiga kulmiye saluug ka muujiyeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye  gobolka Awdal Cabdiqaadir Daahir Ojar oo wajigabaxii uu dhawaan xisbiga Kulmiye kala gobolka Awdal uu sabab u ahaa gudoomiye Ojar.

Ka dib markii mr ojar uu ku kacey falal lid ku ah geedi socodka hawlaha xisbiga Kulmiye kaasoo  caabiyey sida la sheegey habsmi u socodkii hawlaha siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye gobolka Awdal .

Taasoo loo tirinayo musuq maasuq wax isdabamarin iyo hanti Lunsi iyo ku takrigal Awoodeed xisbiga kulmiye duufaan siyaaaseed oo mijo xaabisey rajadii xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal ,waxana ka marag kacaya maah maah soomaaliyeed ayaa halku dhigeedu ahaa Macal cuno muuqan doone taasi oo faaladani ay u adeegsaneyso dibin daabyooyinka uu gudoomiye Ojar uu maleegayo xisbiga Kulmiye taasoo laga dheehan karo hawraaraha ka caagan fagaaraha siyaasadeed oo tilmaamaya in aanu aheyn siyaasin bisil bala aynu dib u eegno weedha afkiisa ka soo baxdey ee ilaa hada ka mida naaneysaha cusub ee xisbgaasi bulshadu ay ku hadaaqayaan taasoo odhaneysa uma baahnin hadaanu nahey taageerayaash wadani taasi oo laf dhuun ka gashey ku noqoneysa xisbiga Kulmiye hadii aan gudiga fulinta ee xisbiga Kulmiye raali galin deg dega ka bixin .

isla markaana waxa soo baxaya fadeexado tilmaamaya in ay meesha ka baxdey adeegyadad daruuriga ah sida shidaalka gadiidka wafitiga iyo habeen dhexii waftiga iyo hawladeednadii Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal …..

Wariye Sadaam Maxamed Caqli Hadi

Golaha91.Com

Boorama /Awdal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *