War Deg Deg Ah Dr Axmed Buuxane Oo Sheegey Inuu Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani …………….

Filed under: Featured Slider,Maqaalo,Warar Af-Somaliga |

War Deg Deg Ah Dr Axmed Buuxane Oo Sheegey Inuu Iska Casilay Xilkii Iyo Xubinimadii Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani …………….

Dr Axmed Aadan Camash Buuxane Oo Ka Mida Hogaanka Ugu Sareeya Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Ayaa Maanta Waxa Uu Sheegey Inuu Iska Casiley Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani

Dr Buuxane Oo Ka Mid Ahaa U Rurkii BadBaado Oo Uu Ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka Ururkaasi Ayaa Wakhti Xaadirkaa Markii Ay Kal Hadheen Ururadii Dalka Lag Furey

Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadanina Ka Mid Ahaa Ururadii U Soo Gudbey Xisbiga Ayaa Waxa Uu Go’aan Ku Gaadhay Wakhtigaasi Inuu Si Rasmiya Ugu Biiro Xisbiga Mucaarikaa Ee Wadani

Dr Axmed Aadan Camash Buuxane Oo Ah Shaqsiyan Qof Inta Badan Lagu Tilmaamo Inuu Yahay Nin U Darban Hawlaha Samfalka Aadamino Kaasoo Si Weyn Uga Dhex Muuqdey Mudooyinkii Ay Dalka Ku Dhufteen Abaarahu Gurmadkii Iyo Gargaarkii Loo Fidinaayey Kaalin Waxa Ku Oola Ka Qaatay  Isla Markaan Bulshada Soomaliland Guud Ahaan Dhexdeeda Ku Leh Magac Iyo Maamuus

Hadba Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Waxa Uu Ahaa Kaambeynarada Ugu Waaweyn Ee Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Uu Ku Leeyahay Gobolada Galbeedka Soomaliland Maadaam Uu Ka Soo Jeedo Beelaha Inta Badan Deegaanka Ku Ah Gobolada Galbeedka Soomaliland

Uuna Ahaa Shaqsiyaadka Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Ku Leh Mug Iyo Miisaan  Cududa Taageero Iyo Codkaba  La Barbar  Taagnaa Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani

Ayaa Hadba Maanta Waxa Uu Si Rasmiya Ugu Shaaciyey Shabkada Caalmigaa Ee Ka Hawl Gal Gobolka Awdal Inuu Iska Casiley Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Oo Uu Ahaa Shaqsiyaadka Ugu Fagalo Cad Xisbigaasi

Dr Buuxane Xilalka Uu Ka Hayey Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadni Ee Uu Maanta Iska Casiley Ayaa  Ahaa

Gudoomiye Ku Xigeen, Xubin Hogaanka Sare Ah , Xubin Golaha Dhexe Ah  Kaasoo Gabi Ahaanba Xilalkii Uu Ka Hayey Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani Iyo Xubinimadiiba Iska Casiley

Kadib Markii Uu Ka Biyo Diidey Siyaasada Is Bed bedelaysa Ee  Xisbiga Mucaaridkaa Ee Wadani

Si Kastaba Ha Ahaatee Dr Buuxane Oo Hurmuud U Ah Isla Markaana Ka Soo Jeeda Beelaha Muhiimka Ah Ee Istiraatajiyeda Xisbiyadu Ku Hirdamayaan Ayaa Ilaa Hada Aan La Garneynin Halka Isga Iyo Taageera Yaashiisa Ku Kala Nool Degmooyinka Kal Duwen Ee Gobolada  Awdal  Gabiley Iyo Selel Madaarka  Ay Ka Dagi Doonaan

Wariye  Xuseen Caateeye Jaamac (Xuseen Gaafane)

Golaha91.com

Borama

Office /Soomaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *