Jaamacada Amoud Oo looga Ololaynayo Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani

Filed under: Featured Slider,Maqaalo,Warar Af-Somaliga |

Jamacada Amoud University Ee Ku Taala M.Borama Waa Jaamacad Facwayn Oo Ku Dhawaad 21 Sano Ka Shaqanaysay Ayna Wax Ka Barteen Arday Badan Oo Maanta Masuuliyiin Ka Ah Xukuumada Sland. Jaamacadan Amoud Oo Ehel U Ah Aqoonta Sland ,Ayaa Waxa Soo If Baxaya In Baryahan Dambe Ay Macalimiintii Wax Ka Dhigayeye Jaamacada Amoud Lagu Arkayo Saaxada Siyaasada Taas Oo Ehel La Noqdeen Siyaasada Xisbiga Wadani Kuwaas Oo Maalmihii Ugu Dambaysay Lagu Arkayey Inay Ku Biirayeen Xisbiga Mucaaridka Ee Wadani .

hadaba waxa iswaydiin mudan waa kuma baruhu ama macalinku ??

sidaan wada ogsoonahay macalinku waa waalidka labaad ee aan leenahay sida uu noo xaqiijiyeye rasuulkeeni scw .

macalinku waa tuse tilmaame wanaagsan macalinku maaha qabiil, qolo, xisbi, iyo wixii la halmaal ,

macalinku waxa looga bahan yahay inuu anshax la haado kana tilaamnaado bulshada dhexdeeda ,

maadaam uu macalinku soo saarayo jiilkii barito madaxdii barito Aqoonyaanadii barito Engneeradii barito maaha macalinku cidnaba ,

iyadoo taasi hadaba jirrto oon wada ognahay ayaa waxa soo if baxaya ,in macalimiinta wax ka dhiga jaamacada Amoud ay ku suntan yihiin xisbi gaara kuwaas oo ka irdhoobay masuuliyadii ay shacabka iyo Ardaydaba u hayeen ,
Macalimiintan Wax Ka Bara Ardayda Kala Duwan Ee Somaaliyeed Ayaa U Muuqda Kuwo Dhinaca Kalena U Ololaynaya Hayb Qabiil Oo Siyaasad Daaha Saaran Oo Haybqabiil Ku Waadacsan Xisbiga Wadani ,
Lama Arag Oo May Dhicin In Macalin Bare Ka Ah Jaamacado Ku Yiil Dalka Oo Soo Horistaaga Ardayda Uu Xisbiyada Mucaaridkana Lagu Dhex Arko Waa Markii Ugu Horaysay Ee Lagu Arko Macaliim Barayaal Oo Wax Ka Dhaga Jaamacada Amoud Ama Jamacadaha Dalka Ku Yaala .
Si Kastaba Ha Ahaatee Ifafaalooyin Muujinaya In Macalimiinta Wax Ka Dhiga Jaamacada Amoud Ayaa Waxa Ugu Dambeeyey Macalimiinta Sidarasmiga Uga Mida Xisbiga Wadani Laguna Arko Socal Media Mukhtaar Xasan Maydhane ,Xasan Ciise Raage , Axmed C/Laahi Axmed Jeesto, Iyo Qaar Kale Oo Wali Lagu Arag Socail Media Balse Si Hoosahaaneed U Ololeeya Xisbiga Wadani,
Si Kastaba Ha Ahaatee Su,Aasha Iswaydiinta Mudan Baa Aha Maamulka Jaamacada Amoud Miyeye Ka Warqabin Macalimiintan Mise???
Dhawaaqa Kasoo Baxaya Bulshada Ayaa Waxa Ay Yihiin Hadii Barayaasha Jaamacaduhu Ay Noqdaan Kuwo Kuloolama Saaxada Siyaasada Maxay Noqon Doonaan Jaamacadaha Ay Wax Ka Dhigaan , Sidee Loo Arki Muraayada Laga Dheehanayo Jaamacdu Sidee U Muuqan Mid Saxa Mise Mid Khaldan

Xigasho xeegonews.com

Desk LONDON

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *